Waa maxay Barnaamijka Xaqiijinta Aabenimada?

Barnaamijkaan wuxuu bixinayaa isku xir, waxbarasho, tababar, tusmayn, qiimayn iyo caawimaad farsamo oo la siinaayo isbitaalka ilmaha dhalinaaya, diiwaannada maxaliga ah, xafiisyada fulinta taageerada carruurta, maxkamadaha, iskaashatada bulshada iyo waalidiinta aan isqabin. Diirada barnaamijka ayaa ah in kor loo qaado xaqiijinta ikhtiyaariga ah ee aabenimada si loo hubiyo in carruurta ku dhaqan Ohio ay leeyihiin aabayaal sharciyan loo aqoonsan yahay iyo taageerada dhaqaalaha iyo dareenka dhammaan carruurtu u baahan yihiin una qalmaan. Ohio, barnaamijka waxaa maamulaaya Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada (CPR) oo ku dhex yaala Xafiiska Taageerada ilmaha, Waaxda Shaqada iyo Adeegyada Qoyska ee Ohio. Xog dheeraad ah oo ku saabsan CPR iyo shaqooyinkeeda ayaa laga heli karaa qaybta "Xog ku saabsan".

Aabannimada 101 – Fiidiyowga loogu talagalay waalidiinta

Macluumaadka Xiriirka

Waaxda Dhexe ee Diiwaangelinta Ohio (CPR)
1-888-810-OHIO (6446)

Waaxda adeegyada Shaqada iyo Qoyska ee Ohio (ODJFS)
Booqo Bogga Intarnetka

Waaxda Caafimaadka ee Ohio
Booqo Bogga Intarnetka 

Guudmarka Aasaasidda Aabenimada

Aabenimo waxaa laga wadaa sharciyada aabenimada. Xaqiijinta aabenimada waa sida aabaha ilmaha dhalay ku noqdo aabaha sharciga ah ee ilmihiisa haddii asaga iyo hooyadu aysan isqabin. Haddii iinaan isqabin marka cunugaagu dhasho, cunugaagu ma haysto aabe sharci ah. Aabenimada waa in la xaqiijiyaa kahor intaan magaca aabuhu kasoo bixin shahaadada dhalashada. Haddii hooyada nin qabo, xaaskeeda ayaa loo arkayaa inuu yahay aabaha.

Aabenimada ayaa la xaqiijin karaa xiligii la doono kahor intaan cunugu gaarin da'da 23 sano. Aabenimada ayaa la xaqiijin karaa xataa haddii waalidka kale ku nool yahay gobal kale ama wadan shisheeye.

Xaqiijinta aabenimada ayaa muhiim ah carruurta iyo waalidkood. Dhammaan waalidiinta aan isqabin waa inay ka fikiraan xaqiijinta aabaha ilmaha — waayo dhammaan carruurta ayaa u qalma inay helaan faa'iidooyinka uu leeyahay aabe sharci ah. Xaqiijinta aabenimada ayaa siinaysa labada waalid iyo cunugoodaba xaquuqda iyo fursadaha ay u baahan yihiin una qalmaan. Waa wax fudud oo bilaash ah. Cadaynta Xaqiijinta Aabenimada (JFS 07038) ayaa la buuxin karaa si loo xaqiijiyo aabenimada marka ilmuhu ku dhasho isbitaalka ama kadib adoo tagaaya diiwaanka deegaankaaga (waaxda caafimaadka) ama wakaaladaha fulinta taageerada ilmaha ee degmada. Labada waalid midkood ayaa sidoo kale wici kara Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada ee Ohio (CPR) oo laga helaayo 1-888-810-OHIO (6446) oo codso in nuqul laguugusoo diro boostada.


Su’aalaha Muhiimka ah ee soo-noqnoqda

+ Sidee ayaa aabenimada lagu aasaasi karaa?

Waalidiinta aan isqabin gudaha Ohio, aabenimada ayaa lagu aasaasi karaa sadex qaab:

  1. Buuxinta iyo saxiixida Cadaynta XaqiijintaAabenimada (JFS 07038): Haddii labada waalidba isku raacaan inay yihiin waalidka rasmiga ah ee cunuga, "Cadaynta Aabenimada" ayaa la buuxin karaa. Ayagoo saxiixaaya foomka, labada waalid ayaa aasaasaaya aabenimada cunugooda - taasoo ka dhigan inuu ninku yahay aabaha sharciyan loo aqoonsaday. Buuxinta foomku qasab maaha, waana bilaash, waana qaabka ugu fudud ee lagu aasaaso aabenimada.

    Cadaymaha aabenimada ayaa lagu buuxin karaa isbitaalka marka ilmuhu dhasho ama kadib adoo tagaaya diiwaanka deegaankaaga (waaxda caafimaadka) ama wakaalada taageerada sharci fulinta ilmaha ee degmadaada (CSEA). Midkood labada waalid ayaa wici kara Xarunta Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada ee Ohio (CPR) oo laga wacaayo 1 888-810-OHIO (6446) oo soo codso in nuqdi foormka oo eber ah boostada lagugu soo duro.

  2. Baaritaanka hide sidayaasha, oo uu raacaayo Amarka xaqiijinta Aabenimada (JFS 07774) ee wakaalada fulinta taageerada ilmaha ee deegaankaaga (CSEA): Baaritaanka hide sidaha ayaa la samayn karaa marka la waayo cadayn kama danbays ah oo lagu go'aansho aabenimada, ay jirto tuhun laga qabo cida aabaha noqon karta ama haddii aabenimada la isku haysto. Hooyada, aabaha ilmaha lagu tuhmaayo ama cunuga ama masuulka cunuga ayaa codsan kara CSEA inay samayso baaritaanka hide sidaha si loo go'aansho cida aabe u ah imaha. CSEA ayaa intaas kadib amraysa dhammaan dhinacyada inay galaan baaritaanka hide sidaha waxayna soo saaraysaa Amarka Maamulka ee Aabenimada ayadoo raacaysa natiijada baaritaanka hide sidaha. Si loosoo saaro amarka cida aabe ah, baaritaanku waa inuu muujiyaa ugu yaraan 99% suuragalnimada in ninku yahay aabaha. Haddii dhinacyadu ka codsadaan baaritaanka hide sidaha CSEA, CSEA ayaa mudayn doonta dhagaysi taageero ah si loo helo amarka taageerada cunuga marka aabihiis la xaqiijiyo. Haddii midkood labada dhinac uu ku fashilo inuu keeno baaritaanka hide sidaha ama ku fashilmo inuu soo gudbiyo baaritaanka hide sidaha, CSEA ayaa codsan karta in maxkamadu qofka u aqoonsato qayru masuul kadibna soo saaraysa go'aanka cida aabuhu yahay.

    Haddii hooyo ku nooshahay Ohio, fadlan la xariir CSEA ku taala degmada hooyadu dagan tahay. Haddii hooyo ku nooshahay banaanka Ohio, fadlan la xariir CSEA ku taala degmada aabuhu dagan yahay.

  3. Amarka Maxkamada ee Aabenimada: Amarka maxkamada ee aabenimada ayaa lagu gaari karaa maxkamada carruurta ama maxkamada xariirada qoyska (ayadoo qayb ka ah furiin).

+ Xaqiijinta Cadaynta Aabenimadu ma ii yahay aniga iyo cunugayga dookha saxda ah?

Xaqiijinta aabenimadu waa g'aan muhiim ah. Buuxinta foomka cadaynta aabenimadu waa qaabka ugu fudud uguna dhakhsaha badan ee waalidiinta aan isqabin ay ku aasaasaan aabenimada sharciga ah magaca aabahoodna ku gelinayaan shahaadada dhalashada. Xaqiijinta aabenimadu waxay ku siinaysaa adigga iyo cunugaaga xaquuqaha iyo fursadaha aad u baahan tihiin aadna u qalantaan.

  • Marka magaca qofka lagu qoro shahaadada dhalashada, aabaha ayaa helaaya xaquuqaha sharciyada cunugiisa. Cunugiisa ayaa helaaya gunnooyinka sida Social Security, caymiska nolosha, gunnooyinka ciidanka, iyo dhaxalka.
  • Cunugaaga ayaa sidoo kale heli doona caymiska caafimaadka ee aabihiis iyo sidoo kale taariikhaha caafimaadka iyo asalka labada qoys ee hooyada iyo kan aabaha.
  • Si lamid ah isla muhiimadaas, xaqiijinta aabenimadu waxay u sahlaysaa labada hooyada iyo aabaha inay abuuraan xariir dareen oo ay la yeeshaan cunugooda ayna wadaagaan masuuliyada iyo faa'iidooyinka waalidnimada.
  • Haddii aad wax shaki ah ka qabto cidda uu yahay aabaha cunugu, ha saxiixin Xaqiijinta Cadaynta Aabenimada. Waxaa laga yaabaa inaad doonayso inaad marto baaritaanka hide sidaha kahor intaadan go'aansan.

+ Waa maxay shuruudaha ku xiran buuxinta cadaynta aabenimada?

  • Labada waalidba waa inay ku qoraan ama keenaan magacooda oo buuxa, ciwaanka ay hadda degan yihiin, taariikhooda dhalashada, iyo Lambarradooda Bulshada (haddii ay ay haystaan). Sidoo kale aabbuhu waa inuu ku qoraa magaca gobolka ama waddanka uu ku dhashay.

  • Labada waalid ee dhalay ilmaha aabbaha iyo hooyada waa in xaashida dhaarta ay wada saxiixaan. Warqadda dhaarta waalid wuu saxiixi karaa iyadoo waalidka kale aysan wada joogin. Goorta waalid kasta uu saxiixayo waa in nootaayo lagu sameeyaa ama marqaati fur ka noqdaan waba qof oo qaangaar marka xaashida la saxiixayo.

  • Waalidiintu waa inay dhiibaan aqoonsi sawir ku dhegan haddii ay saxiixyaan iyada oo uu joogo qofka nootaayada; markhaatiyadu uma baahna aqoonsi sawir.

  • Xubnaha qoyska ee qaangaarka ah markhaati way noqon karaan. Labada waalid midkood ayaa saxiixi kara oo markhaati ku noqon kara waalidka kale.

Markhaatiyaal iyo nootaayooyinka oo bilaash ah ayaad waxaad ka heli kartaan isbitaalada, waaxda caafimaadka/diiwangeliyayaasha, iyo CSEA-yada.

+ Sidee ayaan ku helayaa foomka maran ee aqiijinta Cadaynta Aabenimada?

  • Waxaad ka helaysaa isbitaalka cunugaagu ku dhasho
  • Waxaad ka helaysaa xafiiska diiwaanka ee deegaankaaga (oo sidoo kale loogu yeero tirakoobyada muhiimka ah ama waaxda caafimaadka) kadib marka cunugaagu dhasho
  • Waxaad ka helaysaa wakaalada fulinta amarka taageerada carruurta ee degmada (CSEA) kadib marka cunugaagu dhasho
  • Waxaad ku helaysaa inaad wacdo Xarunta Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada ee Ohio (CPR) oo laga wacaayo 1-888-810-OHIO (6446) kadibna koobiga ayaa boostada laguusoo dhigayaa.

+ Aabaha ma lagu qasbi doonaa inuu dhiibo taageerada ilmaha haddii uu saxiixo cadaynta aabenimada?

  • Waxay ku xiran tahay xaalada. Labada waalidba waxaa masuuliyad ka saaran tahay taageerada ilmahooda. Inta badan, waa arin u taala masuulka ilmaha inuu codsado taageero. Hase yeeshee, haddii aad helayso gunnooyinka qaarkood, aabaha ayaa laga doonayaa inuu dhiibo taageerada ilmaha. Haddii aad su'aalo qaas ah ka qabto xaaladaada, fadlan la xariir wakaalada fulinta taageerada ilmaha ee deegaankaaga.

Eeg dhammaan su’aalaha soo-noqnoqda


Isku-xirka Ilaha Muhiimka ah

→ Waaxda Shaqada iyo Adeegyada Qoyska/Xafiiska Taageerada Carruurta - Xog ku saabsan Taageerada Carruurta.

→ Waaxda Caafimaadka ee Ohio - Sida loo Codsado Shahaadooyinka

→ Si aad u hesho CSEA ga degmadaada, wac 1-800-686-1556 ama adeegso Diiwaanka Degmada ee ODJFS ga Oonleenka ah

Sharciga Ohio - si aad u raadiso sharciga Ohio ee la xariira xaqiijinta aabenimada iyo dhinacyada kale ee aad xiisaynayso

Xeerka Maamulka ee Ohio ee la xariira xaqiijinta aabenimada