Xog ku saabsan Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada ee Ohio

Sharciyada Federaalka ayaa ka doonaaya gobal kasta inuu lahaado diiwaanka aabenimada ee dhammaan carruurta ku dhasha bilaa meherka. Gudaha Ohio, diiwaankaan ayaa loo yaqaanaa Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada (CPR). Ujeedada diiwaanku waa in la aruursho lagana shaqeeyo dhammaan dukumiintiyada aabenimada ee kasoo baxa CSEA, isbitaallada, waaxda caafimaadka ee laanta tirakoobyada ilmaha iyo maxkamadaha. Diiwaanka ayaa xaqiijiya inuusan dukumiinti kale oo aabenimo sheegaaya u jirin cunuga, kadib wuxuu soo soocaa qaybaha xogta gaarka ah oo lagasoo qaato dukumiinti kasta. Xogtaan waxaa lagu hayaa hal kaydka xogta ah (oo loogu yeero kaydka CPR). Marka diiwaanku gasho dukumiintiyada aabenimada kaydka xogta, dukumiintiyada rasmiga a ee aabenimada ayaa loo gudbiyaa Waaxda Caafimaadka ee Ohio si markaas diiwaanka dhalashada wax looga badalo looguna qoro magaca aabaha si abadiyan ahna loo diiwaan gasho. Maalmo yar gudahood, xogta ayaa loo gudbiyaa CSEA si looga caawiyo xaqiijinta aabenimada.

CPR ka Ohio ku yaala wuxuu bixinayaa isku xir, waxbarasho, tababar, tusmayn, qiimayn iyo caawimaad farsamo oo la siinaayo isbitaalka ilmaha dhalinaaya, waaxaha caafimaadka ee maxaliga ah, xafiisyada fulinta taageerada carruurta, maxkamadaha, iskaashatada bulshada iyo waalidiinta aan isqabin. CPR ayaa sidoo kale leh xarunta wicitaanka (1-888-810-OHIO (6446)) taasoo u adeegta il ay xogta ka qaataan waalidiinta, xarumaha dhalmada, diiwaannada, maxkamadaha, iyo CSEA yada si ay jawaab ugu helaan su'aalahooda la xariira habraaca ama kiisaska gaarka ah.


Iskaashatada Bulshada

Marka lagu daro gacan ka geysashada xarumaha dhalmada iyo hay’adaha gobolka, CPR-ku waxay kaashadaan lamaanayaal badan oo bulshada ah si ay u gaaraan waaliddiin badan aan la guursan sida ugu macquulsan.

Halkan ayaa ah qaar ka mid ah iskaashatadayada

  • XafiisyadaOB/GYN, umulisooyinka iyo kalkaalisada

  • Barnaamijyada Aaabannimada

  • Parish Health Units, Xarumaha Caafimaadka Bulshada iyo Xafiiska WIC

Haddii aad xiiseyneyso inaad la shaqeysid CPR, fadlan kala xiriir CPR lambarka ee halkan 1-888-810-OHIO (6446).

“Waa maxay isbeddelka ee uu aabuhu sameeyo?”