Baaritaanka hidda-sidaha

Baaritaanka hidda-sidaha waa mid aan xanuun lahayn oo sahlan haddii aadan hubin cidda aabaha saxda ah yahay.

Haddii waalid midkood uusan hubin cidda aabaha ah, waxaa si xoog leh loogu dhiirigelinayaa inay codsadaan baaritaanka hidda-sidaha.

Baaritaanka hidda-sidaha, oo sidoo kale loo yaqaan baaritaanka DNA, ayaa go'aan ka gaari kara haddii aabbaha eedaysan uu yahay aabbaha saxda ah. Baaritaanku ayaa 99.9% sax ah si loo go'aamiyo suurtagalnimada in ninka yahay aabbaha saxda ah.

Su'aalaha La iska waydiiyo Baaritaanka Hide sidaha

+ Ka waran haddii aabaha cunugaagu uu diido inuu yahay aabaha, ama uu dhaho ma hubo?

  • Midkood waalidka ayaa ka codsan kara in wakaaada fulinta taageerada carruurta (CSEA) inay fuliso baaritaanka hide sidaha. Foomka Xaqiijinta Cadaynta Aabenimada ayaan la adeegsan karin ilaa labada waalidba ay hubaan maahee in ninka ku qoran foomku uu yahay aabaha ilmaha dhalay.

+ Waa maxay baaritaanka hide sidaha?

  • Baaritaanka hide siduhu, oo sidoo kale loogu yeero DNA, ayaa go'aamin kara haddii aabaha la tuhumaayo uu yahay aabaha ilmaha dhalay. Baaritaanka ayaa 99.9% sax ah marka la go'aaminaayo suuragalnimada in ninku yahay aabaha ilmaha dhalay.

+ Maxaa dhacaaya haddii aanan hubin inaan ahay aabaha?

  • Wakaaladaha taageerada ilmaha ayaa ku cadaadinaysa ninka inaad keento xogta ugu badan marka hore si uu midkood u cadeeyo aqoonsigiisa ka aabe ahaan ama looga saaro baaritaanka hide sidaha.

+ Sidee loo sameeyaa baaritaanka hide sidaha?

  • Hide sidaha, ama baaritaanka DNA ga, waxaa lagu qaadaa in sanballo la qaado, kuwaasoo loo diraayo shaybaadhka si la isku babac dhigo faahfaahinta laga helo sanbalka cunuga oo lamid noqonaaya kuwa ninka iyo hooyada. Inta badan, dheecaan laga qaado daanka ayaa laga qaadaa hooyada, ilmaha, iyo aabaha

+ Muxuu baaritaanka hide siduhu muujinayaa?

  • Baaritaanku wuxuu muujinayaa 99.9% saxnaanshaha in ninku uu yahay ama uusan ahayn aabaha ilmaha dhalay.

+ Baaritaanku xanuun miyuu leeyahay?

  • Maya sinaba. Inta badan, dheecaan laga qaado daanka ayaa laga qaadaa hooyada, ilmaha, iyo aabaha. Dheecaanka la qaado ayaa ka kooban dheecaanka gudaha midkasta oo kamid ah daamanka wuxuuna qaadanayaa wax kayar daqiiqad.

+ Meeqa sano jir ayaa loo baahan yahay in cunugaygu jiro si looga qaado baaritaanka hide sidaha?

  • Baaritaanka hide sidaha ayaa lagu samayn karaa carruurta yaryar ilaa markay dhashaan ayadoo la adeegsanaayo dheecaanka. Dheecaanka la qaado ayaa ka kooban dheecaanka gudaha midkasta oo kamid ah daamanka wuxuuna qaadanayaa wax kayar daqiiqad.

+ Haddii baaritaanka hide sidaha uu muujinaayo inay jirto suuragalniada 99% in ninku yahay aabaha cunuga dhalay, ninku ma noqon karaa aabaha ayadoon la aadin maxkamad?

  • Maya, baaritaanka hide sidaha keliya ma cadayn karo sharciyada aabenimada. Amarka maamulka ama maxkamada oo lagu saleeyay natiijooyinka baaritaanka hide sidaha ayaa abuuri kara sharciyada aabenimada.

+ Qofkee masuul ka ah qarashka baaritaanka hide sidaha?

  • Marka baaritaanka hide sidaha aan horay loo samayn ayna amarto wakaalada fulinta taageerada ilmaha (CSEA), waxaa lacagtiisa dhiibaaya CSEA. Marka maxkamadu amarto baaritaanka hide sidaha, maxkamada ayaa amri karta in qofka codsaday baaritaanka hide siduhu dhiibo qarashkiisa. Hase yeeshee, waalidiinta helaaya adeegyada uu bixiyo Xafiiska Caawimaada Qoyska ama Adeegyada Difaaca ama la ogaado inay yihiin kuwo danyar ah ayaa laga yaabaa in laga dhaafo bixinta qarashka baaritaanka hide sidaha. Qarashka baaritaannadaan ayaa caadiyan ah mid raqiis ah. Waa inaad arintaan kala hadashaa CSEA.

+ Xagee ayaan ka codsan karaa baaritaanka hide sidaha?

  • Baaritaanka hide sidaha ayaa lagu samayn karaa wakaaladaha fulinta taageerada ilmaha ee degmada (CSEA). Kadib markaad hesho natiijooyinka baaritaannada hide sidaha, CSEA ayaa soo saaraysa amarka xaqiijinta ama xaqiijin la'aanta aabenimada. CSEA ayaa sidoo kale diri kara dukumiintiga badalida shahaadada dhalashada cunuga si waafaqsan go'aanka. Si aad u esho CSEA deegaankaaga, wac 1-800-686-1556 ama adeegso nidaamka oonleenka ah ee Diiwaanka Degmada ee ODJFS.

+ Waalid ayaa ka maqan gobalka. Sidee ayaan ku mari karaa baaritaanka hide sidaha?

  • Qolo kale ayaa la xariiri karta wakaaladaha fulinta taageerada ilmaha (CSEA) degmadiisa si looga caawiyo helitaanka baaritaanka hide sidaha marka waalid ku nool yahay banaanka. Si aad u esho CSEA deegaankaaga, wac 1-800-686-1556 ama adeegso nidaamka oonleenka ah ee Diiwaanka Degmada ee ODJFS.
 

Ma qabtaa wax su’aalo ah? Eeg bogga yaga Su’aalaha soo-noqnoqdo